Wararkii ugu dambeeyay dagaalada Muqdisho iyo dowladda oo Isgoyska Bakaaraha la-wareegtay.

Kadib dagaalo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxay dowladda iyo ciidamada Amisom ay kula wareegeen Isgoyska suuqa Bakaaraha ee degmada Hodan, halkasoo ay fariisimo ku laheyd Xarakada Al Shabaab. Ciidamadda dowladda Somaliya oo garabsanaaya ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom ayaa waxaa maanta u suurta gashay inay la-wareegaan Isgoyska suuqa caalamiga ah ee Bakaaraha, iyadoo … Continue reading

Rate this:

Al-Shabaab: “Shacabka iyo ganacsatada ku dhaqan magaalada Kismaayo waxaan ka rabnaa inay dagaalada ka qeyb qaa taan”

Xarakada Al Shabaab oo dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gobolada Koonfureed looga soo qabsaday dhawr magaalo ayaa waxay sheegtay in dagaalada aysan weli istaagin, ayna socon doonaan ilaa qiyaamaha. Gudoomiyaha guud Xarakada Al Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka Sheekh Abuukar Cali Aadan ayaa wuxuu sheegay in dagaalada ka soconaaya, Gobolada Koonfureed ee dalka Somaliya inaysan … Continue reading

Rate this:

Shabaabka Afgooye Oo Beeraleydii Deegaanaasi Hubka Ka Dhigey.

Wararka ka imaanaya Degmada afgooye ee Gobolka sh/hoose ayaa sheegaya in maamulka alshabaab ee ka taliya halkaas uu Xoog uga qaaday Hubka beeralaydii halkaas joogi jiray. Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan in hubka laga dhigay Beeralayda la sheegay in lagu biirin doono waxay ugu yeeren maamulka shabaab ee afgooye, Jihaadka ka jira Magaalad Muqdisho. … Continue reading

Rate this:

Maxaa kasoo baxay kullankii adakaa ee ay maanta yeesheen Madaxweyne Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka?

Kullan adag ayaa wuxuu maanta uu aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia uu ku dhex maray Madaxweynaha dowladda Kmg ee Somaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan. Kullankaan oo si weyn loo-wada sugaayay waxa uu kusoo idlaan doono ayaa wuxuu maanta soconaayay in ka badan seddex saacadood oo xiriir … Continue reading

Rate this:

Xildhibaano Baarlamaanka KMG Ka Tirsan Oo Nairobi Ololo Siyaasadeed Ka Wada

Xildhibaanada baarlamaanka dowladda KMG ayaa u kala safan M/weynaha iyo Baarlamaanka dowladda KMG oo qilaaf faraha ka sii baxayo ka dhex taagan. Waxaa xildhibaanada baarlamaanka ay wadaan dadaalo xildhibaan kasta dhinaca uu taageersan yahay doonayo inuu ku sii xoojiyo dhinaca uu taageerayo, waxaana marba marka ka dambeysa ka sii daraya khilaafka iyo muranka hada jira. … Continue reading

Rate this:

Ciidamada Shabaab Oo Baaritaano Ka Wado Ceelasha Biyaha.

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee deegaanka Ceelasha biyaha ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa baaritaanno xooggan xalay iyo saakay ka sameeyay deegaankaasi, iyagoo kordhiyay barihii ay ku baari jireen gaadiidka dadweynaha. Baaritaanka ayaa la sheegay in ayShabaabku bar-tilmaameedsanayeen qaar ka mid ahShabaabka oo hub iyo rasaas kala soo goostay deegaannada Baay iyo Bakool, … Continue reading

Rate this:

Shabaabka Berdaale Ku Sugan Oo Hakiyay Dad U Socdeen Doolow.

Xarakada Al Shabaab ee ku sugan gobolada Baay iyo Bakool ayaa degmada Berdaale ku xanibeen qoysas doonayay inay u safraan degmada Doolow ee dhanka Itoobiya. Qoysaska oo horay ugu noolaa deegaano ka tirsan gobolka Bakool ayaa isugu jiray carruur iyo dad da’ ah, waxaana ayShabaabXakiyeen Safarkoodaxilli ay saarnaayeen gaari nooca ay Soomaalidu u taqaanno Yuudhiiga … Continue reading

Rate this:

Afaafka Hore Ee Suuqa Bakaaraha Oo Ciidamada Dowlada Dhufeysyo Ku Sameystey

Wararka ka imaanaya Degmooyinka Hodon iyo Wardhiigley ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada KMG oo garab ka helaya kuwa amisom, ay wali ku suganyihiin goobihii ay maalmo ka hor kala Wareegeen alshabaab. Wararka saakay naga soo gaaraya furimaha hore ay ku suganyihiin Ciidamada Dowlada ayaa sheegaya in ay halkaas ka samaysanayaan dhufeysyo, iskugu jira jawaano ciid … Continue reading

Rate this:

Ururka dhallinyarada Gaadsan youth network (GYN) oo shaaciyey iney naftooda u hurayaan maamul G/UDUBLAND.

Shir si heersara ah lo soo agaasimay o ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarada gaadsan youth network (GYN) ee wadanka south africa gaar ahan magaalada polokwaane shirkaas ayaa waxa lagu tageerayay mamulka udubland ee dhawaan lagu so dhisay magalada jedah wadanka saudi arabia shirkan oo ay kumideysnayeen dhamaan ururka dhalinyarad ee GYN e wadanka south africa … Continue reading

Rate this:

Ma Dhab Baa Caga-jugleynta Iyo Dhaleeceynta Loo Geysto Warsidaha JAMAAMEPRESS.!?

Sideedaba Soomaalidu waxey tiraahdaa Si xun wax u sheeg sixirna ka daran. Inta aanan dulucda qormadeyda u dhaadhicin waxaan akhristayaasha u bidhaaminayaa in qaoraallada Jamaamepress ay yihiin warar xaqiiqda ku saleysan oo marnaba looga gabbaneyn shaqsiyaad gaar ah ama cid walba oo dhibsata, si walba oo ay u kharaaraato balanteynu waxa ay tahay in runta … Continue reading

Rate this:

Geelle Oo Sheegey In Aysan U Dulqaadan Karin Soomaliya Oo Noqota Goob Argigixiso.

Madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geele oo markale loo doortay in uu Noqdo Madaxweynaha Dalkaas, ayaa ka hadlay xaalada Soomaaliya, asaga oo sheegay in jabuuti ay ka Qeyb qaadanayso Nabada Soomaaliya. Geele oo la hadlayay Wargayska Al-Xayaata ee ka soo baxa Sacuudiga, ayaa sheegay in Jabuuti aysan aqbalaynin in Soomnaaliya ay Noqoto Hoy looga Duulo Caalamka, … Continue reading

Rate this:

Faroole Oo Ka Hadley Dilalka Qorsheysan Ee Ka Soo Cusboonaadey Puntland

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Max’uud Faroole ayaa cambaareeyay dilalkii loogu gaystay magalada boosaaso laba ganacsato oocaan ka ahaa Magaaladaasi. Faroole oo shaay galinkii danbe kula hadlayay saxaafada Magaaladaasi Boosaaso, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dilka loo gaystay Shire Saciid C/raxmaan iyo C/salaan Warsame oo ka mid ahaa ganacsatada Magaaladaasi, … Continue reading

Rate this:

Farmaajo Oo Kulamo La Qaatey Madaxda Mareykanka

Ra’i Raisul wasaruhu waxaa uu kulamo la yeeshay sanatarada kongresska dalka mareykanka gaar ahaan senetar Joe Leberman oo ahaa musharaxa madaxweyne ku xigenka dalka mareykanka sanadkii 2000, Jarless Karmer, Beter King oo ah gudoomiyaha gudiga aminiga ee Kongresska wadanka Mareykanka iyo qaarkale. Raisul wasaraha ayaa la sheegay in waxyaabihii ay kawada hadleen raisulwasaraha iyo masuuliyinta … Continue reading

Rate this:

Shabaab Oo Ku Dhiiri Gelineysa Shacabka In Ay Dagaalada Ka Qeybqaataan.

Ka dib hadal uu Saxaafada u jeediyay Afhayeenka dhanka ciidamada ee Al shabaab Sh. C/casiis Abuu Muscab ayaa waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed uu ugu baaqay in ay ka qeeyb qaataan dagaalada Al shabaab ay kula jireen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM. Sidoo kale afhayeenka dhinaca ciidamada Al shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaaldii … Continue reading

Rate this:

Amisom Oo Sheegtey In Shabaab Ay Ka Dishey Sarkaal Sare.

Taliyaha ciidamada midawga Africa ee Soomaaliya jooga AMISOM Maj .Gen Nathan Mugisha ayaa sheegay in ciidamadooda ay guulo ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho isla markaana ay dagaalyahanada Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab ay ka dileen saraakiil sar sare. Maj .Gen Nathan Mugisha waxaa uu sheegay in hawl galadii ugu dambeeyay ee ka … Continue reading

Rate this:

Fiqi Oo Sheegey In Ciidamada Dowlada Ay La Wareegeen Fadhiisimo Cusub.

Wasiirka Gaashaandhigga ahna Ku simaha R/wasaaraha C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa wuxuu maanta Saxaafada u sheegay inay ciidamada Qaranku la wareegeen fariisimo hor leh oo Shabaabka ku lahaayeen qeybo ka mid ah degmada Hodan sida: Xero Ruush, garoonkii kubbada cagta ee Horseed, iyo xaafado kale. C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalkii … Continue reading

Rate this:

DJabuuti Oo Sheegtey In Soomaaliya Ciidamo U Soo Direyso.

Wasiirka arimaha dibada ee Jamhuuriyada Jabouti Max’uud Cali Yuusuf ayaa waxa uu balan qaaday in dowladiisa ciidamo labo bitalyan ah oo haray ay u balan qaaday in dhamaadka bishaan ay u soo direeyso dalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in ay ciidamadasi gacan ka geeysanayaan habkii Soomaaliya looga badbaadin lahaa dhibaato soo wajahda xilliga kala guurka … Continue reading

Rate this:

Mahiga Oo Sheegey In Qilaafka Madaxda Dowlada Nabad Keeneynin.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramda Midobay uga qaabilsan arrimaha siyasada dalka Soomaaliya Mr Ogustino Mahiga oo magalada Nairobi ee dalka Kenya ugu waramayay Warbaahinta ayaa sheegay in khilaafka siyaasada ee hareeyay dowalda KMG ah uu waxyeeleynayo hanaanka geedi socodka nabadda wadanka Soomaaliya. Ergeyga gaarka ah ayaa tilmaamay in todobaadkii la soo dhaafay Qaramada Midoobay ugu … Continue reading

Rate this:

wagii beryaaba waayihiisa ayuu labaryaa.!!

Waagii beryaaba waayihiisa ayuu la baryaa , waqti kastaana wuxuu ku baraa cashar cusub wax badan ayaan is waydiinay maxaa loo waayay nabadoono odayaal ugaasyo salaadiin muwaadiniin ah ee u istaaga halganka udubland balse maanta waa lahelay waxaana ula jeeda hadalkayga shirkii ka dhacay magaalada muqdisho oo lagu taageeraayay maamulka udubland shalay oo taariikhda ahayd … Continue reading

Rate this:

Midoowga Afrika Oo Sheegey In Dhaqaalahii Shabaab Uu Istaagey.

Midoowga Afrika ayaa sheegay in Al shabaab uu dhaqaalaha ay ku dagaalami jireen uu ka istaagay Asiga oo la hadlayey Shalay Warfidiyeenada John Jeerry Rowllings oo ah u qabilsanaha Midoowga Afrika ee arimaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay dhacdooyinka ka jira waxa uu ugu yeeray qeeybo la hubo oo Waqooyiga Afrika ka mid ah waxa … Continue reading

Rate this:

Wefdi Shariif Xasan Hogaamineya Oo Mogdisho Ka Dhoofey Iyo Xukuumada Oo Jawaab Ka Bixisey Hadalkiisa

Guddiga Doorashooyinka ee Xildhibaanada Dowlada KMG ayaa maanta ka dhoofay garoonka Magaalada Muqdisho oo Maalin ka hor laga celiyay iyagoo ka safri raba, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in safarkooda uu ku wehliyay Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Inkastoo Wararka ku saabsan Safarka Shariif Xasan aan wali si cad u soo shaac bixin ayaa … Continue reading

Rate this:

Garaad xumida qab-qablayaasha iyo hana-qaadka UDUBLAND

Hinaasaha iyo carqaladaha lala doonayo UDUBLAND halkee bey ku biyo shuban doontaa? Ama cudurka la doonayo in lagu hakiyo howlaha Udubland miyey sii socon doonaan?Hadduuse sii socdo halkee buu salka dhigan!? Tani waxey soo dedejineysaa gebo-gebada ama ka hor tagga dulmiga reer hagar daamo iyo hana qaadka Udubland oo dhab ahaan u furma. Hor-dhacaas hadaan … Continue reading

Rate this:

Madaxweyne Shariif Oo Lagu Eedeyey Inuu Hanti Lunsadey.

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo xilka ra’iisul wasaarenimo ee Somalia iska casilay dabayaaqadii sanadkii hore ayaa ku eedeeyay Madaxweyaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed inuu lunsado hantida ay deeq ahaanta ku hesho DF, isagoo xusay in xukuumadiisii ay u dhacday sababo la xiriira kashifaad ay arimahaas ku sameysay. Sharma’arke oo ku sugan Nairobi ayaa wareysi … Continue reading

Rate this:

Dowlada Mareykanka: Usama Waxaa Uu Qarsheyneyay In Uu Weerar Ku Qaado Soomaaliya

Saraakiil ka tirsan hay’adaha sirdoonka wadanka Maraykanka ayaa sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida ee bilawgii bishaan lagu dilay dalka Pakistan uu qorsheynayay in weraro laga fuliyo wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay. Wargeyska The Washington Post ee ka soo baxa wadanka Maraykanka ayaa qoray in qoraalo laga helay gurigii lagu dilay Osama Bin Laden ay muujinayaan … Continue reading

Rate this:

Wasiirka arimaha gudaha Oo Sheegey In Uu Asaga Ka Dambeeya Xildhibaanadii Goroonka Laga Celiyay.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada KMG Soomaaliya Cabdi Shakuur Sheekh Xasan Faarax oo u waramayay Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxa uu sheegay in amarkii shalay lagu hor istaagay qaar ka mid ah xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya ee doonayay in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho uu ka soo baxay wasaarada … Continue reading

Rate this:

Dowladaha Masar Iyo Kenya Oo Ay Qabteen Dad Looga Shakiyay Inay Yihiin Shabaab.

Ciidamada la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ee dalka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 5 ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakadda Al-Shabab ee Soomaaliya ka dagaalanta. Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya ayaa u sheegay wargeyska The Daily Nation inay jaziiradda Lamu ka qabteen 5 ruux oo uu ku sheegay … Continue reading

Rate this:

OXFAM Oo Ka Dayrisey Xaalada Soomaaliya

Hay’adda caalamiga ah ee dhinaca bini’aadanimada ee Oxfam ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in xaalad bini’aadanimo tii ugu darneyd ay xilligaan ka taagan wadanka Soomaaliya. La taliyaha hay’adda Oxfam ee dhinaca bini’aadanimada iyo siyaasadda Surendiriini Wijayaratne ayaa sheegay in dhibaatada Soomaaliya xilligaan ka taagan ay sabababtay in dad badani ku naf waayaan … Continue reading

Rate this:

Wasiirka arimaha gudaha Oo Sheegey In Shabaab Waqtigeeda Dhamaadey.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaran C/shakuur Xasan Faarax oo maanta ka hadlayey siminaar lagu soo gabagabeeyay xarunta maamulka gobalka Banaadir kaasi oo lagu magacaabayay Tiraanyo. Masuulka waxa uu sheegay in qaar ka mida gobalada dagaaladii ka dhacay ay doowlada guulo ka gaartay dagaaladii gobalada dalka ka dhacay waxana u sheegay wasiirka in dadkaasi goor … Continue reading

Rate this:

Jaaliyada UDUBLAND ee Mag- Newyork oo dhaleeceey shirarka been abuurka ah ee ka socda Muqdisho.

Shir dag dag ah oo maanta aay yeesheen jaaliyada udubland ee ku dhaqan new york .u.s.aayaa waxaa loo gaa ga hadlay arimo dhoowr ah shir lashaeegay in uu ka dhacay magaalada muqdisho waxaana loogu dan lahaa in lagu qaldo dadka wax magaratka ah ee kasoo kala jeeda bulshada qaybaheeda kal duwan meeshii uu shirka kadhacay … Continue reading

Rate this:

Shabaabka Afgooye Oo Digniin U Jeediyay Dadka Sigaar Cabba.

Amarkan ayuu soo jeediyay sida la sheegay Sheekh Abuu Ramla oo ah Madaxa Warfaafinta AL Shabaab ee degmada Afgooye, asaga oo wata Qoriga AK47 saarana mid ka mid ah gaadiidka Dagaalka Maleeshiyaadka alshabaab, ee Degmadaasi jooga. Waxa uuna ku sheegay awaamiirta kasoo baxay Maamulka Al Shabaab ee degmadaasi in ay tahay mid dhaqan galayso waxa … Continue reading

Rate this:

Khaliil Oo Sheegey In Ay Jiraan Rag Ayaga Ka Tirsan Oo Shabaabna La Shaqeeya

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo oo ay shalay Magaalooyin ka mid ah ay iskaga baxeen Ciidamada Dowlada ayaa sheegaya in hada dib ugu soo laabteen. Qilaafkan ayaa yimid kadib markii la sheegay n Ciidamada Dowladda ee dhanka Ceel-Waaq dagaalka ka wada ay intooda badan yihiin kuwo hoos taga Maamulka Azaaniya, gaar ahaan Ciidamadii lagu soo … Continue reading

Rate this:

Dadka Isticmaalo Wadada Keliya Bakaaraha Qasha Oo Ka Cawaneya Rag Wada Dareeska Ciidamada DKMG

Dadka muqdisho oo bilihii ugu danbeeyay Marin u ahayd wadada Farjano ee dhabarka danbe ee xaafada Tokiyo si ay u galaan Suuqa bakaaraha, ayaa ka cabanaya markale Maleeshiyaad wata dareeska Ciidamada. Wadadan Farjanno oo ah wadada kaliya oo ay isticmaalaan dadka doonaya inay galaan Suuqa wayn ee Bakaaraha, ayaa walaac ka muujiyay dhac iskugu jira … Continue reading

Rate this:

Faqi Oo Sheegey In Ay Qaadi Doonaan Dagaaladii Ugu Dambeeyay Oo Shabaab Dalka Kaga Saari Lahaayeen.

Raa’isal Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Gaanshaandhiga ee Dowladda Kmg ee Soomaaliya Cabdi Kariin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa waxa uu markale hanjabaad hawada u mariyay alshabaab, oo uu sheegay in ay dhawaan ka saarayaan magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay isku diyaarisay dagaalo xoog leh oo ay la’ gasho Xarakada Al … Continue reading

Rate this:

Eleteriya Oo Safaarada Somalida Itoobiya Ku Leedahay Ku Eedeysey In Shabaab gacan Siiso.

Safaarada Soomaaliya ee Ethopia ayaa eedeeyn u jeedisay dowlada Eritrea taa oo ku aadan in ay taageero siiso Al shabaab. Safiirka dawlada Soomaaliya u fadhiya wadanka Ethiopia Ambassador Saciid Yuusuf Nuur oo waraysi gaar ah siiyay wakaaladda wararka Ethiopia u faafisa ee Walta ayaa ku eedeeyay dawlada Eritrea inay hurinayso dhibaatadda Soomaliya ka jirta si … Continue reading

Rate this:

QM Oo Cambaareeysay Falkii Ciidamada Muzanbique Ay Ku Toogteen Dad Soomaali Ah

Laanta Q,M u qaabilsan dhinaca qaxootiga ee UNHCR ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay fal ay Booliska wadanka Mozambique. Ku toogteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo tahriibayaal ahaa xilli ay isku dayayeen inay ka gudbaan xadka u dhaxeeya wadamada Mozambique. Iyo South Africa. War kasoo baxay hay’adda UNHCR ayaa lagu sheegay in Q,M ay ka xuntahay falkii … Continue reading

Rate this:

Farmaajo Oo Ka Qeybgaleya Shirka Golaha Amaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo u dhoofay Magaalada New York ee dalka Mareykanka, si uu uga qeybgalo kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo lagu wado inuu dhaco 10ka iyo 11ka May 2011. Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa lagu wadaa inuu Qaramada … Continue reading

Rate this:

Madaxkamada Qalabka Sida Ee DKMG Oo Xukuno Adag Ku Ridey Rag Shabaab Ka Tirsanaa.

Maxkamadda ciidamadda qalabka sida ee Xukuumadda Kmg ee Soomaaliya ayaa waxay xukuno adag ay ku riday, dagaal-yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ay dowladdu soo qab-qabatay iyagoo shaqaaqo ka wada xeendaabka dowladda. Gudoomiyaha Maxkamadda qalabka sida ee dowladda Kmg ee Somaliya Gaanshaanle Dhexe Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa wuxuu xukun adag uu ku riday … Continue reading

Rate this:

Kenya Oo Ka Cabsi Qabto In Shabaab Ay Dilaan Obama Ayeeyadiisa.

Dawlada Kenya ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamo dheeraad ah ay u dirtey guri ay degan tahay habar da’ ah oo ayeeyo u ah Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in Al-Shabaab ay qorsheynso inay habartaasi ka takhalusto. Waxaan helnay saddex maalin ka hor in Al-Shabaab ay qorsheyso inay … Continue reading

Rate this:

Baydhabo Oo Shabaab Ku Dishey Labo Ruux Lagu Eedeyay Basaasnimo.

Maamulka Al shabaab ee gobalada Baay iyo Bakool ayaa xukuno dil ah ku riday rag lagu soo eedeyay jaajuusnimo. Maxkamada Al shabaab ee gobalada Baay iyo Bakool ayaa xukuno ku riday galabta labo ruux oo lagu kala magacaabo Max’ed Xasan Cabdi oo da’diisa lagu sheegay 40 jir iyo C/laahi Aadan Cabdi oo isna da’diisa tahay … Continue reading

Rate this:

Fu’ad Khalaf ‘Shongole': Alle Dile Ayaa Dhintaa Waan Noolahay.

Ka dib markii Saraakiil ka tirsan dow ladda Somalia ay shaaciyeen dhawaan in dagaalo qadhaadh oo iyaga iyo Maliishiyaadka Alshabab ku dhex maray degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo lagu dilay Sheikh Fu’ad Mohamed Khalaf (Fu’ad Shongole) oo ragga ugu sareeya Alshabab ka mida ayaa waxaa maantay Saxaafadda la hadlay Sheikh Shongole oo warkiisa ay dadkoo … Continue reading

Rate this:

  • Qaanadaha

  • Blog Stats

    • 32,589 hits
  • Online Marketing
    Add blog to our blog directory.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 622 other followers